4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2019
Ganacsatada Soomaaliyeed oo sheegay in ay joojiyeen Khaadkii uga iman jiray Kenya

 

Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)- Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka diyaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ay joojiyeen gabi ahaanba Khaadkii uga iman jiray dalka Kenya

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in ay joojinayaan Khaadka, si ay ula saftaan  dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya.

Waxaa uu sheegay in sababta ay u joojiyeen qaadkii laga keeni jiray Kenya ay tahay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya iyo hadal shalay ka soo baxay Ganacsatada qaadka dalka Kenya.

Shalay ayaa afhayeen u hadlay ganacsatada qaadka dalka Kenya waxa uu  ku hanjabay inay joojin doonaan qaadka ay u soo iibgeeyaan Soomaaliya  hadii aan xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee  Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]