4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2019
Mareykanka oo beeniyay in saddex Askari looga dilay Soomaaliya


Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)- Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in saddex askari looga dilay duqeyn Al-shabaab ay ku bartilmaameedsadeen horaantii todobaadka saldhigga Balli –Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Christopher P. Karns oo ah afhayeenka taliska Mareykanka ee Africom ayaa u sheegay wakaallada wararka u faafisa China ee Xinhua in Al-shabaab faafiyeen warar uu ku tilmaamay dacaayad been abuur ah, iyaga oo sheegtay in ay dileen Askar Maryekan ah.

Al-shabaab ayaa iyagu sheegay madaafiic ay ku weerarreen saldhig Mareykanku ku leeyihiin garoonka Balli –Doogle ku dileen Sasddex Askari oo Mareykan ah.

Mareykanka, AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waayadii ugu danbeeyay xoojiyay howlgalo cirka iyo dhulka ah oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeya ee taageeradda militari siiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]