4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2019
Baarlamaanka Kenya oo u yeeray Wasiirkooda arrimaha dibadda

 

Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)- Sida ay qoreen qaar ka mid warbaahinta dalka Kenya oo maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma hortagto baarlamaanka dalkeeda si wax looga weydiiyo khilaafka cusub ee soo kala dhaxgalay dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha Dibadda baarlamaanka Kenya Katoo Metito ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta ay Wasiirka Arrimaha dibada ugu yeereen ay tahay in ay ogaadaan waxa dhaliyay xilligaan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ayaa Baarlamaanka la filayaa in ay u sharaxdo waxa uu salka ku hayo khilaafka labada wadan ee soo shaac baxay, waxaana Wasiirada laga yaaba in shaaciso khilaafka waxa uu salka ku hayo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu Magacaabo Monico Juma ayaa la filayaa in ay warbixin ka siiso Baarlamaanka dalkaas xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirkii 7-dii Bishaan kadhacay London ee lagu soo bandhigay Shidaalka ku jira Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dhawaan jawaab ka bixisay go’aankii Kenya ay xiriirka ugu jirtay ayaa sheegtay in ay ka xun tahay tallaabada ay qaaday dowladda Kenya iyadoo aan waxda tashi ah kala sameyn ka hor inta aysan dalkeeda ka soo saarin safiirkii Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]