Dhaxal –sugaha Boqortooyada Saudi Arabia oo la beeniyay in uu iibsanayo kooxda Manchester United
Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)- Boqortooyada
Sacuudi Carabiya ayaa war ka soo saartay hadal in muddo ah la isla dhex marayay
oo ku saabsan in dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu doonayo
inuu iibsado kooxda Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska.
Wasiirka warfaafinta ee Sacuudiga ayaa sheegay in
dhaxal sugaha uusan qorsheyneyn inuu gato kooxda ka dhisan hor-yaalka Premier
League-ga ee Manchester United, iyadoo beenisay warar la isla dhex marayay
waadanba.
Balse wasiirka ayaa intaas ku daray
in kaliya uu jiray kulan lala yeeshay hay'ad sacuudiga laga leeyahay oo wax
maalgalisa, kaasoo ku saabsanaa sidii kooxda dhaqaale loogu maalgashan lahaa.
Wasiirka warfaafinta boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Turki
al-Shabanah ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidan: "Wararka ku
saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu iibsanayo kooxdaas waa kuwo 'gabi ahaanba
been abuur ah' oo aanay walba ka jiri".
Wuxuu ka jawaabayay macluumaad la isla dhex marayay oo ku aaddanaa in dhaxal
sugaha uu xiriir la sameeyay qoyska ganacsade Malcolm Glazer, oo ah milkiilaha
kooxda United, si uu isagu ula wareego kooxdaas.
"Manchester United mas'uuliyiinteeda ayaa la kulmay hay'adda PIF Saudi,
si ay ugala hadlaan fursad maalgalin ah, mana jirin wax heshiis kala gadasho ah
oo lasoo hadal qaaday", ayuu qoraalkiisa Twitter-ka ku yiri Shabanah.
Maalintii Aaxadda ahayd ee dabayaaqadii isbuuca ayuu wargeyska kasoo baxa
dalka Ingiriiska ee the Sun sheegay in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu
damacsan yahay inuu kooxda Manchester United ku iibsado adduun lacageed oo
gaaraya $4.9 bilyan oo doolar.
Wargeyska ayaa sheegay in isku dayga markii ugu horreysay lasoo bandhigay
bishii Oktobar, balse niyad jab ka yimid markii wariyihii Sacuudiga u dhashay
ee lagu magacaabi jirsay Jamaal Khaashuqji lagu dhex jilay qunsuliyadda
Sacuudiga ee magaalada Istambul.
Manchester United ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay kooxaha kubadda
cagta ee ugu taageerada badan caalamka.
BBC Somalia