Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Burundi
ayaa xalay waxaa dalkaasi loogu sameeyay munaasabad Casho sharaf ah oo uu ku
marti qaaday Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi
ku wehliya mas’iiliyiin ay ka mid yihiin Wasiika Gaashaandhigga Soomaaliya Xassan
Cali Maxamed iyo taliyaha Ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe
Intii lagu guda jiray munaasabadda casha sharafta
ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre
Nkurunziza,waxaana ay kulankooda iskula soo qaadeen xaalada Soomaaliya iyo
sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
In kastoo uu weli harsan yahay kulanka gaarka ah
ee labada Madaxweyne ayaa waxa ay sigaar ah uga hadleen ciidamada Burundi oo ka
mid ah howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay inay sanadkaan gudihiisa ka baxaan
dalka wallow walaac farabadan laga muujiyay.
Dowladda Burundi ayaa waxaa ay ka mid tahay
wadamada ay ciidamada farabadan ka joogaan Soomaaliya,waxaaana dhawaan la
qorsheeyay in in ka badan 1,000 Askari oo ka mid ah ciidamadooda ay ka baxaan
deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle,iyada oo madaxda Maamulkaas ay cabasho ka
muujiyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]