4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Madaxweynaha Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa oo Kismaayo ka daahfuray xarumo si casri lo dhisay
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Xarumahan oo loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland iyo ururrada dhalinyarada Jubbaland ayaa maanta laga daahfuray Kismaayo, ayadoo mashruucan uu maalgeliyay sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa daahfuray dhisme ka koobnaa ilaa sedex dabaq oo loo dhisay hab casri ah, islamarkaana kamid ah dhismayaasha ugu bilicda san ee dalka, waxaana dhisamahan loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere ayaa isna daahfurya dhisme kale oo loogu talo galay dhalinyarada, waxaana dhisamahana uu leeyahay qeybo kala duwan oo isugu jira xafiisyo lagu shaqeeyo, garoomo lagu ciyaari doono iyo qeybo kale oo loogu talo galay nasashada.

Madaxda ayaa kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee ay ka koobanyihiin dhisamayaasha, ayagoo warbixinno ku saabsan xaruntan ka dhageysanayay shirkadda fulisay dhismaha iyo masuuliyiintii kale eek a socotay sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee iyagu maalgeiyay mashruucan.

Madaxweynaha oo kormeerka kadib warbaahinta kula hadlay aqalka martida kadib daahfurka xarunta ayaa u mahad celiyay dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay wakhtigii dhismaha Xarumahan ay socdeen.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismaha Xarumahan oo lacag badan ay ku baxday ayna suuroowi lahayn haddii aysan jiri lahayn nidaam iyo nabadgelyo, wuxuu xusay in mar walba oo la ilaashado nabadda ay suurogal tahay in la gaaro horumar baaxad leh.

Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah masuuliyiinta hay’adihii iyo shirkadihii ka qeyb-qaatay dhismaha xarumahan sida casriga ah loo dhisay.

Xarumahan maanta la daahfuray ayaa la dhagaxdhigay Bartamihii sanaddii 2017, ayadoo ay si wadajir ah xilligaasi u dhagaxdhigeen Raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, xilligaasi oo ay Kismaayo martigelisay shirkii golaha wasiirada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.