4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Boosaaso: 4 dhallinyaro ah oo dil lagu xukumay

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku riday dhallinyaro ku eedeysnaa dilka Nin ganacsade ah.

Abuukar Cabdinuur Jaamac, oo ah guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan raggan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay kaddib caddeymo iyo markhaatiyaal la horkeenay maxkamadda.

Ragga xukunta dilka ah lagu riday ayaa maxkamaddu sheegtay in 11-kii bishan ay gudaha Boosaaso dil ugu geysteen ganacsade Salaad cabdi Cukaash xilli uu kasoo baxay saladda cishe masjid ku yaalla xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso.

Magacyada dhallinyaradan ay maxkamadu xukuntay ayaa kala ah Daahir Dalmar Saalax, Farxaan siciid Yusuf, Cabdiftaax Axmed Xasan, Maxamed cabdiraxman Maxamuud.

Ugu dambeyn,maxkamada ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn xukun dhallinyaradan ay u furantahay Racfaan dhan soddon maalmood.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online