4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in goor uu qarax ka dhacay Ex Koontarool Balcad, waxaana la sheegay in qaraxaa lagu weeraray gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Miino dhulka lagu aasay ayeey dadka degmadu sheegeen in lagu bartilmaameedsaday gaari Booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM qaraxa kaddib rasaas xoogan furan, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ay rideen ciidamada.

Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM ay ku geeriyoodeen labo ruux, inkastoo ilaa iyo hadda aan laheyn faah faahin rasmi ah.

Waxaa haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Ex-koontorool Balcad oo kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax lagu laeegtay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]