4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Danjire Tarsan oo dalka dib ugu soo laabtay

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa soo cagadhigatay diyaarad siday Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay in uu dalkiisa dib ugu laabto.

Diyaarada siday Danjiraha ama safiirka waxaa la socday Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka soo laabtay dalka Sweden soona maray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa maanta la filayaa in sidoo kale uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho danjiraha Kenya ee Soomaaliya oo dowladda Kenya ku amartay in uu deg deg u soo laabto.

Maalintii shalay ayeey si lama filaan ah dowladda Kenya ugu dhawaaqday in ay xiriirkii Diblomasiyadeed u jirtay Soomaaliya oo ku eedeysay in ay iibgeysay shidaalka ama kheyraadka jira qeyb ka mid ah xudduud baddeedka muranka uu ka taagan yahay ee labada wadan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]