3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in xalay dagaal culus uu degmada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-shabaab.

Dagaalka  ayaa qarxay kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,waxaana dad ku sugan degmada Qoryooley ay sheegeen in dagaal mudo saacad ku dhow uu halkaasi kadhacay.

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab iyaga oo meesha ka saaray islamarkaana been abuur ku tilmaamay weerarkaa lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada sidoo kalana lagu dhaawacay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Qoryooley ayaa ka mid ah degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab oo ku sugan meelaan ka fogeen degmadaas,waxaana saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay horay u sheegeen inay ka saari doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
2/17/2019 2:51 PM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu daah furaayay barnaamishka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Warsheekh ee Maamul Gobaleedka Hirshabelle ayaa lagu qabtay xarunta degmada Warshiiq

2/17/2019 12:18 PM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Qoraal goor dhaw ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga jawaabay go’aankii ay dowladda Kenya kaga dalbatay safiirka Somalia inuu dalkeeda ka baxo, iyo tallaabadii ay ku sheegtay in Somalia ay iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baaro.

2/17/2019 11:10 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Xarumahan oo loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland iyo ururrada dhalinyarada Jubbaland ayaa maanta laga daahfuray Kismaayo, ayadoo mashruucan uu maalgeliyay sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF.

2/17/2019 10:55 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku riday dhallinyaro ku eedeysnaa dilka Nin ganacsade ah.

2/17/2019 10:27 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in si qaldan loo fasiray tallaabadii ay dib ugu yeereen safiirkoodii Soomaaliya iyo dib ugu noqoshadii dalkiisa safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho.

2/17/2019 4:56 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in goor uu qarax ka dhacay Ex Koontarool Balcad, waxaana la sheegay in qaraxaa lagu weeraray gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan AMISOM.

2/17/2019 3:34 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa soo cagadhigatay diyaarad siday Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay in uu dalkiisa dib ugu laabto.

2/17/2019 12:59 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa mar kaliya ku dhawaaqday in ay xiriirka Diplomasi u jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho, halka danjiraha Soomaaliya -na ugu baaqday in uu dalkiisa dib ugu laabto.

2/17/2019 12:36 AM EST
Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya deegaanno ka tirsan gobolka ka sameeyeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab.