4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Maxkamada Racfaanka : Talaabo ayaa laga qaadayaa dadka dacwadahooda ku soo bandhigga baraha bulshada

 

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan sida uu hadalka u dhigay dadka baraha bulshada ku soo bandhigga cabashadooda la xiriirta kiisaska dacwadaha hor yaala maxkamada ama laamaha cadaallada dalka.

Wuxuu sheegay in ay tahay arin danbi weyn ah in baraha bulshada lala aado sida uu hadalka u dhigay kiisas ay ku howlan yihiin maxkamadaha dalka iyo laamaha cadaallada sidii go’aan looga gaari lahaa, iyaga oo taa ula jeeda sida uu hadalka u dhigay sumcad dil iyo in lagu ceebeeyo hay’adda garsoorka dalka.

” Maanta laga bilaabowaxey noqon doontaa cidii ka dacwooto oo Social mediayaha soo dhigto kiis ka socda Maxkamada, In kiiskiisana cadaalad laga gaari doono oo meel la dhigi doono, basle ay ka hor mari doonto in kiis ciqaab ah isaga lagu soo oogo, hay’daha baarista loo diro, Sababta uu ka lahaa iyo ula jeedka uu u sameeyay Sumcad dilistaas in la baaro, isla markaana Maxkamada Awoodo u leh la horgeeyo” ayuu yiri garyaqaan Abshir Cumar

Hadalka guddoomiyaha maxkamada Racfaanka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba baraha bulshada ay ku soo bannayeen cabashada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dooddaya in waxba laga qaban waayay kiisas dacwado ah oo ay u gudbiyeen laamaha garsoorka dalka, qaarkood-na waxaaba ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah guddoomiyayaasha maxkamada in ay kala kulmaan hanjabaado, marka la ogaado in dacwaddoodu tahay mid sax ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii baraha bulshada uu ku soo muuqday muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeeyay afhayeenkii hore ee gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane in uu xoog uga heysto guri uu leeyahay oo markii hore uu ka kireeyay, islamarkaana waxba dacwadiisa ka qaban waayeen laamaha garsoorka.

Hasse ahaatee markii uu muuqaalkaa la wadaagay baraha bulshada ayaa waxaa si deg deg ah arintiisa u soo fara-galiyay maamulka gobolka Banaadir oo muwaadinkaa Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa.

Sidoo kale waxaa iyana jiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo si joogta ah maalmihii ugu danbeeyay-ba uga soo muuqanayay baraha bulshada kuwaa oo ka dalbanaya madaxda ugu sareysa dalka in ay wax ka qabtaan cabashadooda, madaama ay wax garsoor ka waayeen sida ay hadalka u dhigeen hay’addaha cadaallada dalka.

Lama oga waxa ay ka badalli karto digniintan ka soo baxday maxkamada Racfaanka cabashada ay dadka ku soo gudbiyaan baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]