
Sabti, Feberaayo. 16, 2019 (HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa dib xoriyadiisa loogu soo celiyey weriye Cabdi Keyse Tungub oo haatan ka hawlgala Bulsho TV kadib markii shalay ciidanka Boolisku xidheen.
newsinside Xadhiga weriyaha ayaa la sheegay in lagu eedeeyey in uu
jebiyey go'aan ay gudiga nabadgelyada gobolka Sool soo saareen, kadib
markii uu war ka duubay dad taageero u haya golaha wasiirada we Puntland
magaalada Kalbaydh oo Laascaanood 30Km. galbeed kaga quman.
Wadahadal
bahda Saxaafada iyo maamulka gobolka Sool ayaa is afgarad lagu soo
daayey sida uu HOL u sheegay Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Faysal
Jaamac Aadan.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Sool
Cabdiqani Jiidhe oo isagu tegey Saldhiga Seyidka ee koonfurta
Laascaanood ayaa sheegay in xadhigani uu ahaa canaan oo keliya ahaa.
Si
kastaba ha ahaatee waa weriyihii u horeeyey oo la xidho intii uu xilka
qabsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool oo loo tiriyo nin saxaafada aad ugu
dhow saaxiibna la ah.