3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaan hoostaga Afmadow

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Iska horimaad xooggan ayaa deegaan hoostaga degmada Afmadow ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland iyo Maleeyshiyaadka Al-shabaab, kadib markii ciidamo ka tirsan Jubbaland ay weerar qorsheeysan la beegsadeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Weelmaaro oo hoostaga Afmadow halkaa oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Iska horimaadka dhexmaray labada dhinac ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah eek a dhashay, balse xiriir aan la sameeynay saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Afmadow ayaa waxa ay guulo ka sheegteen iska horimaadka ka dhacay halkaasi.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow Siyaad Macallim Bashiir oo ay HOL qadka teleefonka kula xiriirtay ayaa sheegay in weerarku ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Al-shabaab.

“Waxaa nasoo gaartay xog ku saabsan in Shabaab ay isku urursanayeen deegaanka Weelmaaro, dhowr jiho ayaan ka weerarnay, waxaan ka dilnay ilaa 5 askari, gaari uu lahaa horjoogaha Al-shabaab ee sedexda gobolna waan gubnay, waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay Miinooyin ay diyaarsadeen,” ayuu tliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in ciidamadooda ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka, islamarkaana Maleeyshiyaadka Al-shabaab ay kala carareen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan iska horimaadkaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.
Afmadow oo kamid ah degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya, waana degmo go’doosan marka loo eego wadooyinka ku xira magaalooyinka kale ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
2/16/2019 12:15 PM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ka jooga Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaa.

2/16/2019 11:58 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan sida uu hadalka u dhigay dadka baraha bulshada ku soo bandhigga cabashadooda la xiriirta kiisaska dacwadaha hor yaala maxkamada ama laamaha cadaallada dalka.

2/16/2019 10:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Guri-barwaaqo ayaa ka hadlay hadal ka soo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax bare oo sheegay inay ka shaqaynayso guddi uu madax ka yahay inay dib usoo celiyaan hantidii shacabka ee dawladda gacanteeda ka baxday.

2/16/2019 9:51 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

2/16/2019 6:27 AM EST
Sabti, Feberaayo. 16, 2019 (HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa dib xoriyadiisa loogu soo celiyey weriye Cabdi Keyse Tungub oo haatan ka hawlgala Bulsho TV kadib markii shalay ciidanka Boolisku xidheen.

2/16/2019 6:19 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Kulankan oo lagu daah furayay mashruuca wacyi-galinta bulshada ayaa waxaa ka qeybgalay Duqa degmada Beledweyne Khadar Xassan Afrax iyo xubno ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada.

2/16/2019 6:13 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyay Baarlamaanka Puntland, golaha wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay.

2/16/2019 5:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)-Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

2/16/2019 2:19 AM EST
Sabti,Febraayo 16, 2019 (HOL)–Cabdiraxmaan Axmed oo ah Agaasime waaxeedka qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee wasaarada Warfaafinta dawladda Soomaaliya ayaa 12 cisho ka dib shalay xabsiga laga siidaayey.

2/16/2019 2:12 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)-Waxaa si habsami leh u bilowday xuskii toddobaadka magaalooyinka ee Jigjiga lagu qabanayay oo saakay ka furmay garoonka kubada cagta ee Jigjiga.

2/16/2019 1:38 AM EST
Sabti, Febraayo 16, 2019 (HOL)- Shirkadda Ganacsiga Dunida,DP World, ayaa daahfurtay xarun cusub oo qaybinta biyaha ah, taas oo kor loogu qaadayo 60 boqolkiiba adeegga biyaha ee Berbera.

2/16/2019 12:57 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Stockholm kula kulmay dhiggiisa Sweden Margot Wallstrom.

2/16/2019 12:42 AM EST
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa war laga soo xigtay waxaa ay ku sheegeen in weerar madaafiic ah oo ay ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanku ku leeyihiin garoonka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen saddex askari oo Mareykan ah.