4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Al-shabaab “ Waxaan dilnay askar Mareykan ah

 

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa war laga soo xigtay waxaa ay ku sheegeen in weerar madaafiic ah oo ay ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanku ku leeyihiin garoonka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen saddex askari oo Mareykan ah.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii Al-shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka Balli Doogle oo la sheegay in ay saldhig diyaaradu ka haadaan ku leeyihiin Mareykanka, hasse ahaateen maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo Mareykanka intaba wax war ah kama aysan soo saarin wali sheegashada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa waayadii ugu danbeeyay joogteeyay duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah meelaha duqeymaha ugu badan ay ka dhacaan ee lagu bartilmaameedsado Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]