4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Faah faahin ku saabsan Askari haweeney ku dilay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho galinkii danbe ee maanta ka dhacday xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku dilay qof dumar ah.

Haweeneyda toogashada lagu dilay oo magaceeda lagu sheegay Fardowso Abuukar Maxamed ayaa la sheegay in uu muran dhax maray Askariga toogashada geystay, taasoo keentay in markii danbe rasaas uu ku furay ay u geeriyooto.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in muranka marxuumada iyo askariga uu ka bilwaaday dhalinyarro yar yar kubad ku cayareysay halka uu dilku ka dhacay, kuwaa oo uu askarigu dambacay in uu kala ceyriyo, laakiin haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in ay arintaa isku deyday in ay askariga ka hor istaagto.

Marxuumada ayaa la sheegay in ay aheyd hooyo heysatay caruur yar yar, waxaana meydkeeda markii danbe loo qaaday xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dilal bareer ah kula kaca dadka shacabka, dhawaanna taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku hayaan baaritaanka askar ku eedeysan in dil bareer ah kula kaceen dad shacab ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]