4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray saldhig militariga Mareykanka ka degan yihiin Shabeellaha Hoose

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha Internetka ku sheegeen ay madaafiic ku weerarreen saldhig militariga Mareykanku ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegay in madaafiic dhowr ah ku weerarreen saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku duqeymaha kaga geysto Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha hoose, lamana hayo faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarkan ay sheegteen Al-shabaab.

Saldhigga Balli-doogle ayaa waxaa jooga boqolaal askari oo Maraykan ah kuwaasoo halkaas ku tababara ciidamada Kumandoska Somalia, dhinaca kalena waxaa saldhigaas isticmaala dayuuradaha wax duqeeya ee Maraylanka kuwaasoo duqeyno ka fuliya goobaha ay joogaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]