3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Wariye CabdiNuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka tagaya shaqada laanta Afka Soomaaliga ee BBCda

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Cabdinur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC ku biiray 1989, ayaa haatan ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da.

''Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka,' ayuu yiri.

Idaacaddii aan ka shaqeyn jirnay ee dawladda Soomaaliya halku dhegeedu wuxuu ahaa 'warbaahinta sida xalaasha ah uga tarjunta mabaadida kacaanka'.

"Ha yeeshee BBC oo cid walba ra'yigeeda waydiineysa oo dhinacyada oo dhan u dhexeysa ayaa ku soo dhex dhacnay. Waxaa na hagaya waa mabaadi'da asalka ah ee saxaafadda ee BBC ee dhexdhexaadnimo. Waa taas midda keentay in xataa berigii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya meesha u xun marayey oo qab-qablayaashii ay caasimadda ku dagaalamayeen in dagaalku is-taagi jiray 5:30 waqtiga ay idaacaddu bilaabto si dhinac walba u helo xogta dhinaca kale, xataa gobolada Soomaaliya oo aan la isu gudbi jirin, BBC ayey ka heli jireen wararka, waa horaantii 90-shameeyadii. Mudadii 30ka sano ku dhaweyd ee aan BBC London iyo Nairobi ka shaqeynayey waxaa walwalka u weyni iga hayey dalka oo colaad iyo kala irdhow aan taariikhda na soo marin uu ka dhacay oo aysanna muuqan 30 sano kadib xal ay dadku isku aamini karaan iyo dib u heshiin dhab ah".

"Isla mudadaas waxaa is-bedelay dareenkii iyo fakarkii dadka oo waxaa dhacday in si xor ah qofka uu u sheegan karo fikirkiisa, khaas ahaan soo shaac-baxa iyo helitaanka idaacadaha iyo bogaga internetka. Waxaa kale oo si aan caadi ahayn wax weyn u kordhiyey baraha bulshada, ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamad Isxaaq.

"Dadkii ka qaxay dagaalka sokeeye oo dib ugu noqday dalka oo shar iyo khayrba geeyey, waxaa heer sare gaaray wacyiga dadka oo ku aadan doorka dumarka, oo dagaalkii sokeeye intii uu socday oo dhan ahaa kuwii quudinayey oo barbaarinayey qoyska."

"BBC London waxaan ugu tagay oo la shaqeeyey wariyayaashii aan ku dayan jirnay oo aan ku taami jirnay sidii aan heerkooda oo kale u gaari lahayn, sida Cabdullaahi Xaaji Idris, Idris Xasan Diiriye, Maxamuud Sh Dalmar, Aadan Nuux Dhuulle, Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Xasan iyo Cabdi Siraad oon aad uga faa'iday khibradoodii".

"Berigaas aniga iyo wariyayaashii kale ee iga dambeeyey waxaa la oran jiray BBC waa la kharibay oo kuwo aan la fahmeyn baa laga soo buuxiyey, balse markii dambe waxaan udub-dhexaad u noqonay warbaahinta Soomaaliyeed, Qiimeyntu maaha aqoontooda ee waa dhageysytaha oo aan la qabsan codka cusub. Shaqaaluhu waa yimaadaa, waana tagaa, waxaase wariye walba lagu qiimeeyaa waxa uu u gudbinayo dhageystaha inuu awalan isagu fahmo, hubiyo oo dheelitiro, si war sugan oo dhexdhexaad ah aad ugu gudbiso dhageystayaasha oo isugu jira heer walba,mid aqoon sare,aqoon dhexe iyo aqoon hoose leh," ayuu sheegay Cabdinuur Sheekh.

Cabdinuur Sheikh Mohamed oo BBC ka shaqeynayey 30 sano ku dhawaad ayaa haatan ka mid noqday wariyayaasha laanta af Soomaaliga ee dhawaan holwgabka ka noqon doona shaqada maadaamma barnaamijyadii loo soo wareejinayo Nairobi.

Xigashada BBC Somalia













Click here
2/15/2019 3:17 PM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka.

2/15/2019 2:44 PM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho galinkii danbe ee maanta ka dhacday xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku dilay qof dumar ah.

2/15/2019 6:38 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha Internetka ku sheegeen ay madaafiic ku weerarreen saldhig militariga Mareykanku ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

2/15/2019 4:18 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Waxaa magaala Abuja ee dalka Nigeria ku sugan Guddommiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil Ibrahim oo ka qayb ah hawlgalka kormeerayaasha Midowga Africa ee Doorashooyinka Guud ee dalka Nigeria.

2/15/2019 4:12 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Seminaar maalin socday oo lagu baranayey Doorka Aqoonta Nafaqeyntu u leedahay Caafimaadka iyo ahmiyadda fayo dhowrka guud ee bulshada ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Benaadir ee magaalada Maqdisho, iyadoo seminaarkan uu hordhac u ahaa barnaamij waxbarasho oo ah koorsooyin gaagaaban oo jaamacadu ay soo kordhisay.

2/15/2019 3:51 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

2/15/2019 1:36 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay.

2/15/2019 12:37 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka labada dhinac magaalada xalay iska kaashadeen diminta Dab ka kacay kaalin shidaal, kaasoo geystay bur bur hanti.