4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Guddiga madaxbannan ee doorashooyinka Qaranka oo ka qaybgalaya korjoogteynta doorashooyinka Nigeria

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Waxaa magaala Abuja ee dalka Nigeria ku sugan Guddommiyaha Guddiga Madaxbannan ee doorashooyinka Qaranka  Xalimo Ismaaciil Ibrahim oo ka qayb ah hawlgalka kormeerayaasha Midowga Africa ee doorashooyinka Guud ee dalka Nigeria.

hawlgalkan korjoogteynta ee Midowga Africa ee doorashada Nigeria ayaa waxaa hogaaminaya ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadooo ay qayb kayihiin masuuliyiin kala duwan sida safiiro, xildhibaano, guddoomiyeyaal Guddiyo Doorasho iyo Ururada Bulshada rayidka ee inta wadama qaarada Africa

Kormeerayaashan caalamiga ah ayaa si gaar ah diirada u saaraya hanaanka ay u dhici doonto doorashada barlamaanka iyo madaxweynaha dalka Nigeria oo lagu wado in ay qabsoonto 16 Febraayo.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayay koormeerayashu waxay kulamo warbixino ah ka dhagaysanayeen dhinacyada ku lugta leh diyaar garowga doorashada sida, guddiga doorashada ee Nigeria-INEC, Ha’adaha u xilsaaran sugidda amniga doorashada iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah.

Waxaa lagu wadaa in xubnaha hawlgalka kormeerayaashu ay u kala safraan maalinta beri ah gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Nigeria si ay maalinta sabtida ah u bilaabaan hawlahooda kormeerka codbixinta

Waxaa la rajeynayaa in horaanta isbuuca soosocda uu kormeerayasha Midowga Africa ay soo saaraan warbixino horudhac ah oo la xiriira sida doorashadu u dhacday.

Sidoo kale waxaa dalka Nigeria ku sugan kormeerayaal kale oo caalami ah kuwaas oo ka kala socda wadamo iyo ururo caalami ah sida, Dowlada Mareykanka iyo Midowga Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]