4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Xildhibaan xilka iska casilay kaddib markii la ogaaday in uu rooti xaday

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay.

Darij Krajcic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu ka xanaaqay "sida loola dhaqmay" uuna go'aansaday in uu tijaabiyo ilaalada dukaanka isaga oo rootigii iskala baxay.

Xatooyadan ayaan la ogaanin, balse xildhibaankan ka tirsan xisbiga talada haya ee Marjan Sarec List ayaa markii dambe ku adkaystay in uu dukaanka ku laabtay si uu lacagta u bixiyo.

Xildhibaan Krajcic ayaa raali gain bixiyay, wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay "tijaabada uu sameeyay".

Qirashadiisan ayaa markii u horraysay dadku ogaadeen markii uu sheekadan la wadaagay xildhibaanno kale iyadoo guddi xildhibaannada ka tirsan ay kulan lahaayeen Arbacadii.

Goobta lacagta laga bixiyo ayaan taagnaa muddo saddex daqiiqo ah, ayuu yiri xildhibaanka 54 jirka ah oo arrintan u sharxaya TV-ga gaarka loo leeyahay ee POP.

Waxaa la sheegay saddex ka mid ah shaqaalaha dukaanka in ay ku guul darraysteen in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xildhibaanka, ayna sababtay in barafasoorkan hore uu tijaabiyo feejignaanta shaqaalaha.

"Qofna iima imaanin, qofna igama dabo qaylyin," ayuu yiri isaga oo sheegaya in kaameerooyinka ammaanka oo aad la isugu halleeyo ay keento in shaqaaluhu ay mararka qaar "taxadarka yareeyaan".

Xildhibaannadii kale marka uu u sheegay markii hore way qosleen, balse Brane Golubovic oo ah hogaamiyaha xildhibaannada xisbiga LMS ayaa Khamiistii cambaareeyay ficilka xildhibaan Krajcic, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

"Isaga ayaa masuuliyadda qaatay, iskii ayuuna isu casilay" Golubovic ayaana saxaafadda u sheegay, "in arrintaasi ay waafaqsan tahay anshax ilaalinta heerka sare ah ee xisbiga.

Xigashada : BBC Somalia