3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Dab xalay ka kacay kaalin shidaal magaalada Gaalkacyo

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka labada dhinac magaalada xalay iska kaashadeen diminta Dab ka kacay kaalin shidaal, kaasoo geystay bur bur hanti.

Xarunta uu Dabku ka kacay ayaa ku taala dhinaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug ayaa waxaa u soo gurmaday mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Waqooyiga magaalada oo uu ka arimiyo maamulka Puntland, kuwaa oo gacan ka geystay sidii loo damin lahaa.

Dabka ayaa bur buriyay goobo ganacsi iyo guryo dad shacab ah degenaayeen kuwaa oo ka agdhawaan halka uu dabku ka bilaawday , hasse ahaatee lama soo sheegin wax khasare dhimasho ah.

Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay in ay geeyaan halka uu dabku ka kacay Dabdamis oo laga waayay dhinaca Koonfurta magaalada oo ah halka uu dabku ka kacay, kaa oo qeyb weyn ka qaatay in si dhaqse ah loo damiyo dabka.

Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan labo dhinac oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug waxaa ay muddo dheerba aheyd magaalo colaadeed oo kala xiran, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay waxaa muuqaneysay in arintaa meesha ka baxday, magaaladu tahay hadda mid isku furan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
2/15/2019 3:17 PM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka.

2/15/2019 2:44 PM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho galinkii danbe ee maanta ka dhacday xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku dilay qof dumar ah.

2/15/2019 6:38 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha Internetka ku sheegeen ay madaafiic ku weerarreen saldhig militariga Mareykanku ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

2/15/2019 4:38 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Cabdinur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC ku biiray 1989, ayaa haatan ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da.

2/15/2019 4:18 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Waxaa magaala Abuja ee dalka Nigeria ku sugan Guddommiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil Ibrahim oo ka qayb ah hawlgalka kormeerayaasha Midowga Africa ee Doorashooyinka Guud ee dalka Nigeria.

2/15/2019 4:12 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Seminaar maalin socday oo lagu baranayey Doorka Aqoonta Nafaqeyntu u leedahay Caafimaadka iyo ahmiyadda fayo dhowrka guud ee bulshada ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Benaadir ee magaalada Maqdisho, iyadoo seminaarkan uu hordhac u ahaa barnaamij waxbarasho oo ah koorsooyin gaagaaban oo jaamacadu ay soo kordhisay.

2/15/2019 3:51 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

2/15/2019 1:36 AM EST
Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay.