4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
Al-shabaab oo soo bandhigay gaari dagaal oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ciidamada dowladda

 

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiga gaari dagaal oo sida ay sheegeen dhawaan kala wareegeen ciidamada dowladda kaddib dagaal ku dhaxmaray deegaanka Jaziira ee dulleedka Muqdisho.

Gaarigan oo ah nooca Cabdi Billaha ayaa waxa saaran mid ka mid ah qoryaha dagaalka ee Dhashiikaha, waxaana ka muuqda astaanta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada xoogga dalka oo ku saabsan gaadiidka laga qabsaday oo lahaa astaantooda.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer ooh ore soo bandhigay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay ka qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]