Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka digay barakac dadweyne haddii ay ka baxaan gobolka ciidamada AMISOM
Isniin, Feberaayo, 11, 2019
(HOL)- Maamulka gobolka Shabeellaha
dhexe ayaa ka digaya Barakac baahsan oo ay sameeyaan bulshada ku dhaqan
deegaannada la calaamadiyay in ay isaga bixi doonaan ciidamada Burundi ee
qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM
Degmooyinka laga yaabo inay ciidamada AMISOM gaar
ahaan kuwa dalka Burundi ka baxaan dhamaadka bishan ayaa waxaa kamid ah degmada
Cadale iyo degmada Raage Ceelle.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha
dhexe Axmed Meyre Makaaraan ayaa VOA u sheegay in dadku aysan ku faraxsaneyn
deegaannadooda ay faarujiyaan ciidamada AMISOM, madaama sida uu hadalka u
dhigay ay qeyb weyn ka ahaayeen sugida amniga deegaannadaas.
‘’Ciidamada dalku waxey u
yimaadeen in ay nabada wax ka sugaan oo dhibaatada jirta wax ka qabtaan, dadku
kuma faraxsana tallaabada looga saarayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha
dhexe ciidamada nabad ilaalinta u jooga’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Bixitaan qeyb ka mid ah ciidamada
Burundi ee ka howlgala deegaannada Hirshabeelle ayaa waxaa qeylo dhaantii ugu
darneyd ka soo saaray maamulka Hirshabeelle oo ilaa heer madaxweyne arintan ka
hadlay.
Aqalka sare ayaa maalintii shalay
warbixin arintan ku saabsan ka dhageystay Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka
Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo kala hadlay xildhibaannada laga soo doorto gobolka in ay walaacooda la
xiriira go’aanka looga saarayo gobolka
qeybo ka mid ah ciidamada AMISOM.
Toddobaadkii la soo dhaafay uu guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre
Makaraan uu dhagax dhigey mashaariic laga hirgelinayo degmada Cadale oo ka mid
ah meelaha la sheegay in ay ciidamada isaga baxayaan.
Walwalka ugu weyn ayaa ah in durbaba Al-shabaab la wareegaan deegaannadaas
marka ay banneeyaan ciidamada AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]