4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Bandhiga buug oo xalay lagu qabanayey Burco oo ciidanka amnigu joojiyeen

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Munaasibada lagu soo bandhigayey Buug uu qoray wiil dhalinyaro ahi ayaa xalay dadkii ka soo qaybgallay la kala dareeriyey ka dib markii guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu ku ku tilmaamtay in dhaqan xumo laga waddo goobta.

Bandhiga buuga ayaa lagu casuumay lamanayaal is qaba, kuwaas oo hadyad ahaan isku gudoonsiinayey buugan jacaylka ku saabsan oo magaciisa la yidhaahdo Hadyad Jacayl, haseyeeshee xafladii oo socota ayaa ciidanka amnigu amray in la jooajiso,isla markaana sidaas lagu kala dareeriyey.

Bandhiga buugan ayaa hore waxa uu sidan oo kale uga dhacay Hargeysa, waxaanay Burco noqonaysay magaaladii labaad ee lagu soo bandhigo, waxaana mar walba lagu casuuma qoysaska is qaba oo hadyado isku siiya buugan arrimahah jacaylka ka sheekaynaya.

Magaalada Burco waxa ku xoog badan culimada, taasina waxay keentay in aan lagu qaban xafladaha fanka iyo showyadda fanaaniintu ku qabtaan, waxaana hore looga jooniyey bandhig faneed ay ku qabanayeen kooxda xidagaha geeska.

Bandhigan buuga ee xalay waxa lagu qaadayey heeso aan Miisi lahayn, taas oo qaarkood ku ciyaarayeen, waxaanay culimadu dhibsadeen lamaanayaashan gacmaha is haysta ee ka soo dhex muuqday fagaraaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.