Shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.
Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa
wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir
ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid
Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada
kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka
shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow ula socon
doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.
Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir
ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed
lagu xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka
iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.
Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin
Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay
dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya.
Wajiga labaad ee shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo siin lahaa nolosha dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo deegaanadooda oo ay qeyb ka yihiin dhalinyarada iyo Haweenka.
Agaasimaha Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay
magaca Dhalinyarada ayaa warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka
qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen muhiimada in si dhow loola socdo
goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan yahay si aysan saameyn uga
soo gaarin dadka rayidka ah.
Shirkaas kadib Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka Switzerland, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo insaaniya , sidoo kale
wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay muhiimada midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u dhiska
dalka.