Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay soo saaristan iyo bandhigga kheyraadka dalka,kaddib kulan ka dhacay magaalada London.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay
dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.
Wasiirka ayaa intaa ku darray in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.
Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey
macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso
si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal
baarista iyo soo saaristiisaba.