4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Mashaariic la dhagax-dhigay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caaadle oo shalay gaaray degmada Buula-burte ayaa halkaa dhagax dhigay mashaariic hormarineed.

Mashaariicda ayaa ka kooban ilaa qeybood oo kala ah dhismaha xarunta degmada, hoolka shirarka, suuqa hilibka iyo khudaarta, garoonka kubada cagta, nalalka cad-ceeda ku shaqeeyo iyo (Taakulaynta  Haweenka Beeralayda ee Degmada Buula-Burde).

Guddoomiyaha degmada Buula-burte Cabdcasiis Duuroow oo ka hadlay tallaabada lagu dhagax dhigay mashaariicday ayaa sheegay in ay si siweyn u soo dhaweynayaan, islamarkaana degmadu u baahneyd sida uu hadalka u dhigay in ay hesho mashaariicdan oo kale.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay wakiilo qaybaha bulshada ah, kuwaas oo soo dhaweeyey mashaariicda, isla markaasna balan qaaday in ay ilaashan doonaa mashaariicdaas, waxay kaloo wakiiladu hor dhigeen madaxda ka soo qayb gashayaash munaasanda, mashaariicd kale oo degmada iyo shacabka ay u baahan yihiin .

Ugu danbeytii waxaa goobta ka hadlay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada federaalka soomaliya mudane Cabdullahi Maxamud Xasan iyo Xilibaanad Farhiyo Muumin oo goobta furitaanka mashaariicda ka hadashay ayaa bulshada kula dardaarantay in ay ilaashadaan mashaariicdan si ay ugu nafciyaan jiilka dane ee dhalan doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]