4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Casho sharaf Addis Ababa loogu sameeyay madaxda midowga Africa

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya casho sharaf ugu sameeyay madaxda Africa ee halkaa u jooga ka qeybgalka shirka midowga Africa oo maanta furmaya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda ku sugan Addis Ababa ee halkaa shirka uga qeygalaya, waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka iyo hormaradda ay sameysay dowladda mudaddii ay jirtay.

Shir ayaa sidan waxaa siweyn leys kula eegi doonaaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo qaadi doona ajandaha shirka ee xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]