4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Madasha wadatashiga Somaliland oo dacwad ka dhan golaha Guurtida u gudbiyey maxkamadda dastuuriga ah

 

Arbaco, December 04,  2019  (HOL )– Madasha wadatashiga Somaliland ayaa maanta dacwad ka dhan ah golaha Guurtidda iyo go’aankii ay labada sanno ugu kordhiyeen baarlamaanka u gudbiyey maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland.

Siyaasiyiintan ku bahoobay madasha wadatashiga oo u badan saraakiishii jabhadda SNM ayaaa sheegay in dariiqa kaliya ee dawladda laga cabanayo loo mari karaa tahay in sharciga la maro, waxaanay xuseen in dacwadii laga aqballay oo laga qabtay.

“Dariiqa kaliya ee banaan wa in maxkamadda dastuuriga ahi dib u eegaan go’aamaddan ay gaadhayaan Guurtidu”ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure.

“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad aan kaga soo horjeedno Guurtida iyo sharciyadeeda ay ku fadhido iyo go’aanka ay gaadhay iyo sharciyadeedda, waana wax uu sharcigu bixiyey in maxkmada dastuuriga loola tago wixii dawlada lagaga cabanayo, gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuu naga aqbalay waanu darsayaa jawaabtana waanu sugayna, cid kasta oo cabanaysa way u banaan tahay, waana marinka kaliya ee dal lagubadbaadin karo”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga waxa uu xusay in aanay dariiqyada kale ee xisbiyada mucaaradku mareen aanay mari doonin oo aanay dadka isku soo bax ugu baaqeen balse dhinaca sharciga u mari doonaan wixii khalad ah ee dawladda kaga cabanayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.