4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Puntland oo mar kale digniin kasoo saartay Roobab dabeyl wato oo kusoo wajahan degaanadeeda
  

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shacabka uga digtay halista kagasoo wajahan roobab wata dabaylo oo kusoo fool leh xeebaha Badweynta Hindiya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in laga cabsi qabo in ay ku dhufato inta u dhexayso Xafuun ilaa Hobyo. Xawaaraha dabaysha ayay sheegtay inuu u dhexeeya 80-100 km halkii saacba.

Inkastoo Puntland digniin bixinayso hadana ma sheegin sida ay ugu diyaar garoobayso ka hortaga waxyeelada ka dhalan karta roobabkaan dabeylaha wata.

Ma jirto masuuliyiin la hadlay warbaahinta oo shacabka si toos ah ugusoo gudbiyay digniintaan, marka laga reebo qoraalo lagu faafiyay baraha bulshada oo kasoo baxay xafiisyada ay qusayso arrintaan.

Halkaan ka akhriso digniinta Puntland soo saartay.


Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]