4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Norway oo shaacisay khilaafka masaajidkaTawfiiq inuu salka ku hayo arimo qabiil oo Soomaalida dhexdeeda ah

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay muran iyo isqababsi ka taagan masaajid Soomaalidu gacanta ku haysay oo dhawaan laga joojiyay taageere dhaqaale oo ay siin jirtay Norway.

Norway ayaa caddeysay in khilaafka masaajidkaTawfiiq uu salka ku hayo arimo qabiil oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Waxay sheegtay labada kooxood ee masaajidka ku hardamaya in aanu taageere ka haysanin shacabka Soomaalida, ayna rabaan in labadaba meesha laga saaro oo ay israacaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay qoraalo is khilaafsan oo ay kala direen labada koox ee isku haysta xukunka masaajidka, in ay sabab u ahayd tilaabadii lagu joojiyay taageeradii dhaqaale ee dowladdu siin jirtay masjidka, taas oo dhamayd 7,8 miillion kr, oo ah lacagta dalkaas.

Towfiiq waa masaajidka ugu weyn ee muslimiinta ku tukadaan ee kuyaala Norway, Marka loo fiiriyo tirada muslimiinta ku xiran waxay ku dhow yihiin 8000.
Dowladda Norway waxay sheegtay in ay dhawaan ku dhawaaqidoonto maamulka saxda ah ee masaajidka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]