4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Dood kulul ka yeelanaya sharciga Doorashooyinka heer Federaal

 

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa lagu wadaa in ay kulankooda maanta Dood kulul ka yeeshaan sharciga Doorashooyinka heer Federaal, kaa oo toddobaadkii hore loo qeybiyay xildhibaannada.

Horay waxaa sharcigan u meel mariyay Golaha Xukuumadda Soomaaliya iyadoo markii danbe loo soo gudbiyay Golaha Shacabka ugu danbeyntii la doonayo in uu meel mariyo.

Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan qoddobada ku jira sharciga oo qaar ka mid ah xildhibaannada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradku u arkaan in ay yihiin kuwo ay soo qoratay Madaxtooyada Soomaaliya kuwaa oo u daneynaya madaxda hadda joogta xukunka.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay siweyn ugu kala aragti-duwanaadaan wax ka badalka qoddobada ku jira sharciga oo laga yaabo in ay si weyn u difaacaan xildhibaannada Wasiirrada ah ee ku jira Golaha Xukuumadda oo markii horeba ansixiyay.

Guddigii loo saaray soo diyaarinta sharcigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa warbixintooda todobaadkii hore ku caddeeyay nidaamka ay noqon karto doorashada sanadka 2020/2021, iyagoo ka saara  qodobo aanan dastuurka waafaqsaneyn oo ku jiray sharcigii Madaxtooyada wadatay ee ah in  Madaxweynaha cida dooraneysa ay tahay Labada Gole ee Baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]