4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Taliyaha ciiddanka dhulka Soomaaliya oo kulan iscafin ah isugu keenay beelihii ku dagaalamay Towfiiq


Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska qeybta 21-aad Xoogga dalka oo asbuucyadii la soo dhaafay howlo nabadeed u joogay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa maantay kulan guud isugu keenay beelihii walaalaha ahaa ee ku dagaalamay degaanadaasi.

Kulankaan oo ahaa is cafin iyo ka balamida ilaalinta nabad ayaa lagu qabtay Deg-Afbarwaaqo iyadoo sidaas oo kale galabtay socdaal lagu soo dhexmaray degaanka Towfiiq.

Taliyaasha ayaa sugida Nabadda u xilsaaray odoyaal iyo saraakiil ciidan oo isugu jira heer Federal, heer Galmudug iyo gudoomiyaasha Afbarwaaqo iyo Towfiiq waxayna dhamaantood ka wada shaqayn doonaan sidii loo dhowri lahaa xalka la gaaray.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]