4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Kheyre oo Doha kula kulmay Xoghayaha Maaliyada Mareykanka

 

Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Doha.

Kulanka Labada dhinac ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo  doorka  dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey'adaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra'iisal wasaaraha la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Doha.

Ra'iisal Wasaare Kheyre oo shalay ka qayb galay furitaanka madasha  Doha ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga  hadlayo ajandayaal muhiim ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]