Golaha wasiirrada oo ansixiyay Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka


Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khamiista maanta ansixiyay siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

newsinsideWasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo muhiim u ah qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada.

“ Siyaasadan waxay naga caawinaysa in xal loo helo shaqo la’aanta bulshadeenna heysata.. dadaalka ugu badana waxaan galinayna oo aan albaab walba u garaaceynaa sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo is beddel abuuri kara.” ayuu ku daray wasiirka Shaqada.

Baarlamaanka ayaa la horgeyn doonaa  siyaasadda shaqo abuurka qaranka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]