3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Puntland oo shaacisay tirada dadka la nool cudurka AIDs-ka

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Hay'adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka AIDska ee magaceeda loosoo gaabiyo PAC, ayaa maanta shaacisay in sanadkan 56 qof laga heley Viruska HIV/Aids-ka.

Celcelis ahaan 486 qof oo la nool cudurkaan ayaa ka diiwaan gashan Puntland, kuwaas oo si joogto ah u qaata dawooyin kaalmaati ah, sida lagu sheegay xuska maalinta AIDska oo Garowe ka dhacday.

Hay'adda PAC waxay sheegtay fiditaanka cudurkaan inaanu weli dhaafsiisnayn 1%, inkastoo ay ka digtay.

Xaflada waxaa qeyb galay dad cudurkaan la nool oo maalmihii ugu dambeeyay kasoo muuqanayay warbaahinta baraha bulshada.

Waxaa aad loo ammaanay sarkaal katirsan ciidanka bilayska Puntland oo cudurkaan qaaday dhowr sano ka hor, kaasoo si aan gambasho lahayn uga hadlay xaaladiisa iyo sida uu ku qaaday cudurkaan.

Hiiraan Online












Click here
12/1/2019 10:23 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Iyadoo maanta dunida oo idil laga xusayo maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka ayuu madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland Axmed Cilmi Karaash u dalacsiiyay Darrajada Gaashaanle taliye Bashiir Cismaan Cawad oo sheegay in haweeney uu guursaday ay u qarisay cudurka HIV/AIDS

12/1/2019 10:01 AM EST
Axad, December 01, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda,halka qaarna xilalkii ka qaaday kuwo cusubna ku soo daray.

12/1/2019 4:43 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

12/1/2019 3:34 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Kooxda ISIS ayaa sheegatay mid kamid ah dagaal yahanadooda inuu fuliyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay London Bridge oo ay ku dhinteen laba qof.

12/1/2019 3:30 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-38 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku suganl, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan kowda December.

12/1/2019 1:08 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

12/1/2019 12:31 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.