3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
38 Milyan oo qof oo la nool cudurka HIV/AIDS

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-38 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku suganl, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan kowda December.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan AIDska ee la yiraahdo UN-IADs, ayaa sheegtay sanadkii hore in cudurku hoos u dhacay.

Sanadkii hore waxaa cudurkaan uu sameeyay 1.7 milyan oo qof, waxaana u geeriyooday todobo boqol iyo todobaatan kun.

QM waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in la soo afjaro cudurkaan sannadka 2030, iyadoo loo marayo kor u qaadista helitaanka adeegyada caafimaadka, la dagaallanka dhaleeceynta & hubinta in dadku helaan xuquuqdooda.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqay wadamada adduunka in ay hubiyaan in ugu yaraan 90% dadka la nool Aids ay helaan adeegyo ka hortag oo dhameystiran sanadka soo socda.

Maalinta Aids-ka Adduunka waxay la bilaabay xuskeeda 31 sano ka hor oo ku beegan maanta oo kale.

Xuska maalintaan ayaa waxay ka tarjumaysaa dadaallada loogu talagalay in lagula dagaallamo HIV / Aids iyo in taageero loo muujiyo dadka la nool cudurka.

Sidoo kale waa maalin ay dunidu ku xasuusato dadkii u dhintey cudurada la xiriira HIV / Aids.

Hiiraan Online












Click here
12/1/2019 10:23 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Iyadoo maanta dunida oo idil laga xusayo maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka ayuu madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland Axmed Cilmi Karaash u dalacsiiyay Darrajada Gaashaanle taliye Bashiir Cismaan Cawad oo sheegay in haweeney uu guursaday ay u qarisay cudurka HIV/AIDS

12/1/2019 10:01 AM EST
Axad, December 01, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda,halka qaarna xilalkii ka qaaday kuwo cusubna ku soo daray.

12/1/2019 4:43 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

12/1/2019 4:12 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Hay'adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka AIDska ee magaceeda loosoo gaabiyo PAC, ayaa maanta shaacisay in sanadkan 56 qof laga heley Viruska HIV/Aids-ka.

12/1/2019 3:34 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Kooxda ISIS ayaa sheegatay mid kamid ah dagaal yahanadooda inuu fuliyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay London Bridge oo ay ku dhinteen laba qof.

12/1/2019 1:08 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

12/1/2019 12:31 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.