4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

 

Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Baar Macalin, waxaana halkaa ka bilaawday dagaal culus oo leysku adeegsadasy hub noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubbaland ayaa sheegay dagaalka dhinaca Al-shabaab looga dilay 10 dagaalyahan, halka dhankooda ay ka dhinteen Labo Askari.

Al-Shabaab oo dhinacooda ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyee weerar ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen, iyaga oo doonaya inay kala waregeaan xoolo ay ku sheegeen inay ahaayeen Zako.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab iyaga oo marar badan iska horimaadyo la galay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]