3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Maxaa ka soo kordhay xaalada Siyaasadeed ee doorashada Galmudug

 

Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.

Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday guddi Dowladda Federaalka u saartay dhismaha Galmudug iyo habka loo soo xulayo Baarlamaanka cusub, hasse ahaatee dhinaca Dowladda ayaa wali ku adkeysanaya in howlaha Guddigu u socdaan sidii loogu tala-galay.

Balse wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in muddo kooban dib loo dhigay howlaha dhismaha Galmudug taa badalkeedana mar kale wada hadallo lalal furayo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna si looga qanciyo tabashadooda.

Khilaafka ugu weyn ee labada dhinac ayaa salka ku haya in hoggaanka Ahlu Sunna ay doonayaan in Baarlamaanka cusub ee Galmudug laga siiyo 35 xubnood, balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlu Sunna Baarlamaanka laga siiyo 15 xubnood oo kaliya.

Dhuusa-Mareeb waxaa dhawaan gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in la dardar-galiyo dhismaha maamulka oo cidna loo joojin doonin.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/1/2019 10:23 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Iyadoo maanta dunida oo idil laga xusayo maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka ayuu madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland Axmed Cilmi Karaash u dalacsiiyay Darrajada Gaashaanle taliye Bashiir Cismaan Cawad oo sheegay in haweeney uu guursaday ay u qarisay cudurka HIV/AIDS

12/1/2019 10:01 AM EST
Axad, December 01, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda,halka qaarna xilalkii ka qaaday kuwo cusubna ku soo daray.

12/1/2019 4:43 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

12/1/2019 4:12 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Hay'adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka AIDska ee magaceeda loosoo gaabiyo PAC, ayaa maanta shaacisay in sanadkan 56 qof laga heley Viruska HIV/Aids-ka.

12/1/2019 3:34 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Kooxda ISIS ayaa sheegatay mid kamid ah dagaal yahanadooda inuu fuliyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay London Bridge oo ay ku dhinteen laba qof.

12/1/2019 3:30 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-38 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku suganl, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan kowda December.

12/1/2019 1:08 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.