4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Hay'adaha ammaanka oo soo bandhigay natiijada baaritaannada weerarkii xarunta gobolka Banaadir

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horreysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baaritaan lagu waday weerarkii 24tii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

"Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen hay'adaha Amniga ayaa lagu oggaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaysanaysay dowladda hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd xarunta dowladda hoose." ayaa lagu yiri warbixinta.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof oo uu ku jiro guddoomiyihii  gobolka ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow oo u geeriyooday dhaawac weerarka ka soo gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka.

Hoos ka akhri warbixinta hay'adaha amniga;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]