Somaliland : Dib u dhac mar kale ku yimid doorashadii la filayey in ay dhamaadka sanadkan qabsoonto
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhaceen wakhtigii loo qorsheeyey ee December 12,2019 duruufo siyaasadeed iyo mid sharci awgeed.
Gudoomiyaha guddida
doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa ka sheekeeyey wixii u
qabsoomay doorashadii madaxweynaha ka dib, waxaanu sheegay in dib loo sii
tayeeyey qalabkii lagu galay doorashada, sidoo kale, waxay baadhitaan ku
sameeyeen sarferkii dadka lagu diiwaangaliyey inay wax ka khaldameen iyo in
kale.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay
duruufaha aanay mudadii loo cayimay ugu
dhaceen doorashadu ay ka mid yihiin xeerarkii lagu gali lahaa doorashada oo
wali golahawakiiladda hor
yaalla,diiwaangalintii oo ahayd in la furo aan wali la furin iyo duruufo
farsamo iyo sharci ay tahay caqabad aanay doorasho ku dhici Karin mudadii loo cayimay.
“Markaanu aragnay, xeerarka
doorashooyinka qaranka ee lagu gali lahaa doorashada golaha deegaanka iyo
Baarlamaanka aanay wali diyaar ahayn oo uu xeerkii hor yaalo golaha wakiilada,
qodobka labaad dib u furistii diiwangallinta oo aan wali qabsomin, qodobka
saddexaad wuxuu arkay duruufo farsamo
iyo mid sharci ee ku gadaaman qabsoomida
doorashooyinka, sidaas daraadeed wuxuu cadaynaya in aanay doorashadii u qorshaysnayd in la qabto December 12,2019
aanay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba qabsoomi kareen, waraaqdii aanu
arrintaasi ku cadaynaynay waanu u qornay madaxweynaha iyo guurtiddaba,
madaxweynahana degreeto ku soo saaraya muddo 15 cisho gudaheed ah”ayuu yidhi
gudoomiye Iimaan oo ka hadlayey dib u dhac mar kale ku yimid wakhtigii loo
cayimay doorashadda.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay
labadii sanno ee u dambeeyeen wixii u qabsoomay waxaanu yidhi “Komishanka
doorashooyinka wuxuu ku faanaya inuu sameeyey diwaaangalin casri ah oo Afrika
naadir ku ah ama markii ugu horeysay ah, taas oo ah in bu’da isha laga qaadayey
sawirka, waxa kale oo uu ku faanaya inuu qabtay doorasho xor oo xalaal ah oo beesha caalamka kuwii goobjoogayaasha ka ahaa iyo kuwii maxaliga
ahaaba iyo qolooyinka inaga caawiya doorashooyinka dhanka dhaqaalaha intuba ay ka markhaati fureen in sidii loogu
talogalay u dhacday doorashaadaasi.”
“Shirkada Maraykanka ah ee lahayd
qalabka lagu galay doorashooyinka waxaanu heshiish kula galnay inay baadhaan oo
dib u eegaan sarfarka lagu ururiyey diiwaangalinta hadii khalad ka dhacay iyo
inay tayadiisa dib usii eegaan waxa iska bedelay, taas oo warbixin fiican ka
soo saartay korna usii qaaday tayadii si
loogu galo doorashada isku sidkan ee golaha deegaanka iyo baarlamaanka, waxaana
heshiish kale la galnay shirkad kale oo koonfur afrika ah taas oo iyaduna qalabkan
sii tayeyn doonta nidaamkiisa kor usii qaadaysa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey
qalabka casriga ah ee doorashada lagu gallay.
Dhinaca kale, guddida
doorashooyinku wuxuu sheegay in eedihii baryahan dambe loo soo jeedinayey ay ka
baxsanadeed heshiihskii ay kala qorteen saddexda xisbi iyo komishanka, taas oo
aan wafaqsanayn xeerarka u yaalla doorashooyinka, balse ay u dulqaadeen maadaama
oo ay arrimo xasaasi ah ay masuul ka yihiin.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.