4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Midowga Yurub oo dhaqaale u ballanqaaday Soomaaliya

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa 56 milyan oo dollarka Marekanka ah ugu yaboohaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, sida laga soo xigtay bayaan uu golaha soo saaray.

Dhaqaalaha waxaa ay Soomaaliya ka heli doonta 28 milyan oo dollar, waana dalka ugu badan ee ka faa’iideysanaya deeqda.

Dalalka kale oo dhammaantood ah kuwa gobolka ee deeqdan ay gaarayso ayaa kala ah Itoobiya oo la gaarsiin doono 22 milyan oo dollar, dalalka kale ee Kenya iyo Uganda oo iyaguna heli doona 3.3 milyan iyo 2.2 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in wax looga qabto saameynta abaarka ku dhufatay qaybo ka mid ah waddamada gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]