4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka digaya la soo magacaabo hoggaan aysan iyagu dooran


Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ka digay in ganacsatada dusha sare looga keeno hoggaank aysan iyagu dooran.

Cismaan Khaliif Abtidoon oo ka mid ah Gudoomiyaasha qeybaha Suuqa Bakaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka jiro hogaan ay isku raacsan yihiin dhamaan ganacsatada Suuqa .

Ganacsadahan ayaa sheegay in aan la magacaabi karin hoggaanka Suuqa Bakaaraha balse uu ku imaan karo doorashada qeybaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay, waxa uuna tilmaamay in ganacsato iyagu xushaan ruuxa hogaaminaya ayna ku aaminayaan masiirkooda .

Waxaa sidoo kale  kulanka ka hadlay Maxamed Sheekh oo ka tirsan qeybta dhismaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha yihiin kuwa isku xiran oo maamul leh, waxaa uuna ka digay in qof la magaacbo aysan ganacsato raali ka aheyn lagu qasbo

Ganacsade Xusseen Warsheekh oo isna ka hadlay kulanka g ayaa ugu baaqay in Ganacsatada Suuqa ay mid ahaadaan si aan faragalin loogu sameyn, waxa uuna ugu baaqay in dadka doonaya in ay faragalin ku sameeyaan hogaanka ganacsatada Suuqa in ay ka laabtaan qorshahooda guracan

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka kooban yahay 7-qeyb ayna qeyb walbo soo doorato hogaankeeda, waxa uuna xusay in qof walbo oo hogaanka kamid noqonaya laga doonayo shuruudo dhowr ah in uu soo buuxiyo.

Ganacsatada ayaa sheegay in hoggaankoodu yahay mid ku yimaada hab doorasho balse aan la soo magacaabin, iyaga oo sheegay in ay tahay in lagu ixtiraamo doorashada hoggaankooda.

Suuqa Bakaaraha ayaa ka mid ah Ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn dalka, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaan in uu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi uu ugu ballaaran wadamada Bariga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]