3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2019
Taliyaha cusub ee ciidamada AFRICOM oo kulan aan la shaacin la qaatay ra'iisal wasaare Kheyre

 

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka qaarrada Africa Gen. Stephen Townsend oo booqasho aan la shaacin ku yimid Arbacdii shalay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamooto.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in booqashada uu taliye Townsend ku tagay Soomaaliya tahay mid lagu qiimeynayo xaalada Amniga, iyadoo la sii xoojinayo balanqaadka AFRICOM ee nabad-galyada gobolka guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya.

“Waa ay iga go’an tahay inaan wadashaqeyno,isla markaana aan iskaashigeena xoojino,Soomaaliya iyo xulufada kale,waxaan culeys joogto ah saari doonaa Ururada xagjirka ah,waxaana culeyska uu abuurayaa horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ayuu jiri Jeneraal Stephen Townsend.

Sidoo kale War  ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in dadaalada Mareykanka ee Soomaaliya ay ku tacaluqaan tallaabo diblumaasiyadeed oo ah dhinaca horumarka iyo Gaashaandhigga iyo sida uu Mareykanka Soomaaliya uga caawinayo dhinac walba.

War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab  aysan laheyn awood ay ku weerari karaan mareykanka,laakin hadii ay  fursad u helaan ay weerari lahaayeen,waxaana inta badan  War-Saxaafadeedka looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Sahqooyinka  horyaalla Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
8/8/2019 10:36 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horreysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baaritaan lagu waday weerarkii 24tii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

8/8/2019 12:05 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhaceen wakhtigii loo qorsheeyey ee December 12,2019 duruufo siyaasadeed iyo mid sharci awgeed.

8/8/2019 11:58 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa 56 milyan oo dollarka Marekanka ah ugu yaboohaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, sida laga soo xigtay bayaan uu golaha soo saaray.

8/8/2019 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay booqashadiisii qiimeynta doorashada Jubbaland.

8/8/2019 10:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) –Taliska Booliiska AMISOM iyo kan Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeysay wada jir u booqday xarunta lagu wado in ay dhawaan ka dhacdo doorashada baarlamaanka tan madaxtinimada ee magaalada Kismaayo.

8/8/2019 9:47 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)–Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ka digay in ganacsatada dusha sare looga keeno hoggaank aysan iyagu dooran.

8/8/2019 7:26 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Save The Children oo ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa looga hadlay muhiimada uu Ilmaha yar u leeyahay in uu helo Naas-nuujin dhameystiran.

8/8/2019 6:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen haweeney damacsaneyd in ay is qarxiso.

8/8/2019 4:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerarray degmada Aw-dheegle , halkaa oo ciidammada dowladda ay dhowaan si nabadgalyo ah ula wareegeen.

8/8/2019 4:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada Cape Town, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

8/8/2019 1:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.

8/8/2019 1:43 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, halkaas oo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

8/8/2019 1:31 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Hoggaanka sare ee ONLF ayaa sheegay in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen,inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.