4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Madaxweyne Biixi oo martiqaad ka helay boqorka dalka Sucuudiga


Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, halkaas oo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa diyaarad khaas ah oo loo soo direy ka qaaday madaarka Hargeysa, waxaaanu afhayeenka madaxweynuhu Maxamuud Ducaale sheegay in markii ugu horeysay madaxweyne reer Somaliland ahi ku tagay Sucuudiga Paasaboor Somaliland ah, taas oo uu ku tilmaamay horumarka laga sameeyey siyaasada arrimaha Dibadda Somaliland.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.

.