Dad loo xiray isku day ay ku doonayeen in ay xabsiga uga sii daayaan Cabdi Maxamuud Cumar
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jirdil, barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xiriira.
Haddaba
wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo soo
xigtay ila xog ogaal ah ayaa qoray in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa
iney Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga ka sii daayaan.
Ragga
la qabtay ayana la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda
fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniinti la soo dhaafay marka Cabdi
maxkamadda laga soo celiyo iney falkooda fuliyaan.
Afaafka
hore ee xabsiga uu Cabdi Max'uud Cumar uu ku xiran yahay ee Qaaliti oo
ay shaqsiyaadkaasi gaari dhigteen askarta Tiraafikada ayaa ka dalbaday
iney meesha ka dhaqaaqaan, raggi gaariga watayna waa ay diideen amar ay
askarta siiyeen, ciidamada oo gaariga ka shakiyey oo damcay iney
baaraanna waxay sheegeen iney kooxda baabuurka wadatay ay askarta rasaas
isdhaafsadeen.
Dhowr
ka mid ah dadki howlgalkaasi qaybta ka ahaa inkasta oo ay baxsadeen
haddana waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen intooda badan oo ay haweeney
ku jirto.
Xilliga ay arrintan dhaceysayna Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu eegayey.
BBC