4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Qoraal lagu shaaciyay in uu xirmay Kalfadhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka

 

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in la xiray Kalfadhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray guddoomiye Mursal  oo ku tariikheysnaa 4-ta bishan  Augusto ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 5aad uu soo xirmay 27-kii bishii  hore ee July, sidaas darteed Xildhibaanada Golaha ay galayaan fasax labo  bilood ah.

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doona 27-ka bisha September ee soo socota, iyadoo kalfadhiga la soo xiray uu ahaa kii ugu baaqashada badnaa, marka loo eego kulamo dhowr ah oo kooram la’aan u furmi waayay.

 Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoonka Golaha Shacabka :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]