4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Puntland oo dib u celinaysa 50 ruux oo ajanabi ah

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-  Xukuumadda dalka Thailand ayaa shaaca ka qaadday in toddobaadkan dalkaasi ay ku laaban doonaan ku dhowaad 50 ruux oo u dhashay, kuwaaso ku xayirmay xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Thailand oo lagu magacaabo Busadee Santipitaks ayaa Arbacada maanta ah sheegay in mas'uuliyiinta Puntland iyo dowladda Federaalka ay jawaab wanaagsan ka heleen , kaddib codsi ay u dirtay safaaradooda Nairobi ee dalka Kenya.

"Saraakiisha maamul-gobolleedka Soomaaliye ee Puntland waxay aqbaleen dib u laabashada shaqaalahaasi reer Thailand iyo in ay fududeeyaan sidii dalkooda loogu soo celin lahaa." ayuu yiri Santipitaks.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in 50-kaasi ruux ay ahaayeen kalluumaysato la shaqeynayay labo doon oo lagu kala magacaabo Marwan 1 iyo Marwan 2.

Warqadaha socdaalka iyo tikidhada ay ku safrayaan muwaadiniinta reer Thailand ayaa la sheegay in la diyaariyay , waxaana socdaalkooda uu billaaban doonaa maalmaha ina soo aaddan,sida uu baahiyay wargeyska Bankok Post.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]