4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalka Filibiin

 

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga ah.

Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishi Jannaayo ee sannadkaan ilaa bishi July la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Denga, taasoo macnaheedu noqoneyso in boqolkiiba 98 uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadki hore.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in xaaladda deg deg ah ay u ogolaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in cudurka Denga uu leeyahay xumad sarreysa. Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala goys-yada jirka, matag, nabro kasoo baxa jirka, dhibaato dhanka neefta ah, dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]