4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Wararkii ugu danbeeyay howlgallada militari ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay deegaanno hoostaga gobolka dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen militariga dowladda Soomaaliya iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Ciidamada dowladda ayaa maalintii shalay la wareegay gacan ku heynta degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay horay u maamulayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Al-shabaab uga saaraan tuuloyinka kale ee hoostaga Aw-dheegle,isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa aan joogsan doonin.

Xalay ayaa lagu waramayaa in rag hubeysa weerar culus ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaannadii shalay lala wareegay, hasse ahaatee ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa in ay iska caabiyeen weerarkaa.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegaan gacan ku heynta degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo tiro dhowr jeer oo hore isku badbadalay gacan ku heynteeda dowladda iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]