4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Dowladdo uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan dalka Mareykanka

 

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladdaha Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio.

Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, sababtoo ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka.

Sidoo kal Wasaarradda Arrimaha Dibadda Venezuelan ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay hakiyaan socdaalka ay ku tagaan Mareykanka, sababo la xiriira naceyb iyo cunsuriyad kasoo muuqatay Mareykanka.

Dhawaan dalalka Germany, New Zealand, Canada, Ireland, China iyo Bahamas ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usoo safraan dalkaan Mareykanka.

VOA